Ciidamada DFS Oo kaashanaya Ciidamo Maraykan ah Oo Howlgal Cir iyo Dhul ah ka Fuliyay Jubada Hoose

0

Kumaandooska Soomaaliya iyo Ciidamo Mareykan ah ayaa xlay howlgal wadajir ah oo cir iyo dhul ah waxa ay ka fuliyeen deegaanka Baar Sanguuni oo qiyaastii 45KM u jira Kismaayo ee xarunta Jubada Hoose.

Howl galkan ayaa waxaa ka qeyb qaatay diyaarado helicopter ah, iyagoo duqeeyay fariisimo Al-Shabaab ku leeyihiin deegaanka Baar Sanguuni.

Taliyaha Ciidamada xoogga dalka ee qeybta 43aad Jen. Ismaaciil saxardiid ayaa u sheegay Idaacada ku hadasha afka Ciidamada xoogga dalka in duqeynta iyo weerarka ay khasaare ku gaarsiiyeen Al-Shabaab.

 

Al-shabaab ayaa sidookale Gobolka Jubada Hoose  waxa ay jidka ugaleen kolonyo ciidamada kenya ah iyo Amimso oo halkaaso maraayay Waxa ayna labegsadeen Qaraxyo miino oo dhulka lagu aasay.