XOG : Afhayeenkii Mugabe oo sheegay in madaxweynaha dil loogu hanjabay ka hor iscasilaaddiisii

0

Afhayeenkii Madaxweynihii hore ee Dalka Zimbabwe ayaa sheegay in ka hor inta uusan is casilin Madaxweynihii hore ee dalkaasi Ropert Mugabe loogu hanjabay in la dilayo ama uu xilka isaga tago.

Afhayeenka oo lagu magacaabo George Charamba,ayaa sheegay in Saraakiisha Milatariga ee la wareegtay awoodda dalka ay farriin adag u sheegeen Madaxweynaha taas oo ahayd in uu xilka banneeyo isaga oo la sharfayo ama loo dilayo sida Madaxweynihii hore ee dalka Liibiya Mucaamir Al-Qadaafi.

George Charamba,ayaa sheegay i n Madaxweynaha ay qasab ku noqotay in uu us casilo kaddib markii banaanka Madaxtooyada ay buuxdhaafiyeen Ciidamo aad u hubeysan oo isaga diiddan iyo dadweyne badan oo taageersan Madaxweynaha hadda talada haya,kaas oo tarxiil ku maqnaa xilligaas.

George Charamba, oo hadda ah afhayeenka Madaxweynaha talada haya ayaa sheegay in Madaxweynaha xilligaas isku dayay in uu dib u magacaabo ku xigeenkiisii hore oo hadda Madaweynaha ah hayeeshee saraakiisha Ciidamada ay taas diideen una sheegeen in shacabka iyo Ciidanka banaanka taagan ay ka go’antahay in Madaxweynaha uu xafiiska ka baxo.