Xildhibaannada Tana River oo mooshin lagu hubeynayo shacabka geeyay Baarlamaanka

0

Saddexda Xildhibaan oo Aqalka hoose iyo kan sare ee Kenya ku matala Gobolka Tana River ayaa waxaa ay mooshin u gudbiyeen dowladda Kenya gaar ahaan Baarlamaanka dalkaas.

Ujeedada mooshinkan ayaa ah in shacabka degaankaas la hubeeyo si ay uga qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda Gobolkaas.

Xildhibaannada oo shir jaraa’id ku qabtay Gobolka ay ka soo jeedaan ayaa sheegay in soo jeedintooda u gudbiyeen Baarlamaanka sidoo kalena xukuumadda la wadaagayaan marka la dhameystiro.

Ali Guyo, alias Ali Hanshaka, Said Hiribae iyo Sanatar Juma Wario,ayaa sheegay in shacabka ay u baahanyihiin hub ay isaga dhiciyeen Al-shabaab maaddaama inta badan Ciidamada dowladda aysan joogin degaankaas AL-shabaab weerarro ka geystaan.

Xildhibaan Ali Guyo,ayaa dowladda ku eedeeyay in ay ka gaabisay xaqiijinta amniga degaanka Tana river oo dad badan oo shacab ah ay ku dhinteen kaddib weerarradii AL-shabaab ay ka fuliyeen.

Xildhibaannada ayaa wadajir u cambaareeyay weerar ay haweeney ku dhimatay labo gaari oo ciidanna lagu gubay kaas oo todobaadkan ka dhacay Gobolka Tana River.

Xildhibaan Hirribie ayaa sheegay in uu la kulmay Taliyaha Booliska Joseph Boinnet,kaas oo uu u sheegay sida ay wax uga jiraan Gobolka,waxaana sheegay in Taliyaha aqbalay soo jeedintiisa hayeeshee aysan muuqan in la fulinayo.

Sanatar Juma ayaa isna sheegay in si shaqsi ah uu ula kulmi doono Madaxweyne Kenyatta si uu arrintan ula wadaago islamarkaana wax looga qabto dhibaatada ay wajahayaan dadka ay ku matalaan dowladda.