Xiisadda Sool: Puntland Iyo Somaliland Oo Isku hor fadhiya Tukaraq

0

Xiisad dagaal oo u dhaxeysa Puntland iyo Somaliland ayaa ka taagan deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, waxaa ku qul-qulaya ciidamo ka kala socda labada dhinac.

Puntland ayaa ciidamo badan oo wato gaadiidka dagaalka waxay ku daabuleysaa deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool dhinaca kalana Somaliland ayaa dhankeeda ciidamo ku soo daabuleysa isla meesha.

Guddoomiyaha gobolka Sool ee Puntland Daahir Salaad Canshuur ayaa sheegay in gobolka Sool uu galay xaalad dagaal ka dib markii Somaliland ay qabsatay deegaanka Tuka-raqay oo haatan ay ku suganyihiin.

“Gobolka xaaladdiisu waxaa uu ku jiraa xaalad dagaal sidoo kale waa lagu soo duulay waxaana ku soo duulay ciidamada Somaliland waxayna soo weerareen magaaladii Tukaraq oo hadda ay dhinacyadeeda ay fadhiyaan”.

Guddoomiyaha ayaa intaasi ku daray in waxgaradka deegaanka Sool nabadoonnada iyo shacabka Tukaraq ay diideen ciidamada Somaliland hadana uu barakac xoogan uu ka bilowday halkaasi.

“Dhammaan inta badan dadkii magaaladaas ku dhadhawaa iyo kuwii joogay waa ay ka bara kaceen Ciidamada Somaliland ayaana bara kiciyey qaar ay xabado ku ridaan iyo qaar ay ula tageen hadal xumo ayay dadku uga bara kaceen”.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa ciidamada Puntland oo watay gaadiidka dagaalka waxay ku sii qul-qulayeen deegaanka Tuka-raqay oo ay qabsatay Somaliland.