WARBIXIN : Al-shabab oo sheegay in ay qabsadeen Goofguduud iyo Deynuunaay.

0

Xarakaada Al-shabaab ayaa sheegatay in ay la wareegeen gacan ku heynta degaannada Deynuunaay iyo degaanka kale ee Goofguduud Abuurey oo ka wada tirsan Gobolka Baay.

Al-shabaab waxaa ay sheegeen in Ciidamada Maamulka Koofur Galbeed ay kala wareegeen degaanka Goofguduud Abuurey oo 30km u jira Magaalada Baydhaba ee xarunta Gobolka Baay,dhinaca kale waxaa ay sheegeen in ay sidoo kale qabsadeen degaanka Deynuunaay oo 25km dhinaca bari ka xigta Magaalada Baydhaba.

Subaxii hore ee saaka ayey sheegeen Al-shabaab in ay dagaal kula jiraan Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Maamulka Koofur Galbeed Saldhigyo ay ku leeyihiin degaannadaas hadda ay sheegaan in ay la wareegeen.

Khasaare kala duwan ayaa ka dhashay dagaalkan iyada oo wararka qaar ay sheegayaan in uu jiro khasaare labada dhinac ka gaaray dagaalkaas.

Dhinaca Maamulka Koofur Galbeed wali kama hadlin dagaalka ay Al-shabab sheegeen in ay kula wareegeen degaannada ka tirsan Gobolka Baay.