TOP NEWS:-Madaxweyne Gaas Oo Loo Diiday In Uu Ka Dhoofo Gaalkacyo

0

Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/weli Maxamed Cali “Gaas” ayaa la sheegay in is hor istaag lagu sameeyay, xilli uu maanta doonayay in uu ka ambabaxo magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Ilo lagu kalsoonaan karo oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in arrintan ay ka dhalatay kadib markii la amray in la baaro xubno la socday Madaxweyne Gaas ka hor inta aysan raacin diyaarad ay leedahay UN-ka oo ay ku tagi lahaayeen magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Waxaana la sheegay in Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali “Gaas” uu ka horyimid tallaabadaasi, islamarkaana uu ka baaqday safarkii uu ku tagi lahaa magaaladaasi Dhuusamareeb.

Dhinaca kale waxa lagu soo warramayaa in maanta Dhuusamareeb uu gaaray Madaxweymaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo si weyn loogu soo dhaweeyay magaaladaasi.

Waxaa sidoo kale Saacadaha soo socda la filayaa in Madaxda kale ee Maamul goboleedyada ay gaaraan magaalada Dhuusamareeb oo ay ka dhici doonto Munaasabad lagu dhameystirayo heshiiska ay wada gaareen Maamullada Ahlusunna iyo Galmudug.