Sawirro:-Ciidamada Booliska oo Howlgal ku soo qabtay Dhalinyaro dhici jirtay Shacabka

0

Howlgal ay ciidanka booliska ay ka sameyeen qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho ayaa lagu soo qabtay dhalinyaro ku hubeysan Bastoolado oo ay ku dhacayeen shacabka kuwaas oo Taleefanada iyo lacagta ka qaadanayay.

Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed Qaasim Axmed Rooble oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidanka Booliska ay kuso qabteen ragan ayagoo ku howlan dhaca shacabka.

General Qaasim Axmed Rooble Afhayeenka ciidanka Booliska ayaa shacabka ku amaanay xiriirka ay la sameeyeen booliska,isagoo sheegay in waxyaabaha maanka dooriye ay qatar ku yihin hab dhaqanka iyo caafimaadka bulshada.

Isku xernaanta laamaha amaanka iyo shacabka ayaa door weyn ka qaata mar walba hormarada laga gaaro amniga.