Madaxweyne Farmaajo Oo Gaaray Dhuusa Mareeb

0

Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa goor dhow gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud,halkaasi oo siweyn loogu soo dhaweeyey.

Madaxweynaaa Soomaaliya waxaa socdaalkiisa ku wehliya Madaxweynaha Galmudug,wasiiro,xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale.

Waxaa ku soo dhaweeyey magaalada Dhuuso mareeb Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Sheekh Axmed Shaakir iyo mas’uuliyiin kale oo ku sugnaa Magaalada Dhuusa Mareeb.

Amaanka magaalada Dhuuso Mareeb ayaa siweyn loo adkeeyey,iyadoo amniga ay sugayaan ciidamo aad u farabadan.

Hadal kooban uu jeedyay ayuu waxa uu ugu mahad celiyay dadkii ku soo dhaweyeay Dhuusa Mareeb waxa uuna sheegay in Caawa wixii ka dambeeya uu dadka la hadli doono.

Madaxweynaha ayaa lafilayaa in uu ka qeybgalo shirka lagu dhameystirayo heshiiska Galmudug iyo Ahlusuna.

Goordhow Filo Sawirrada soo dhaweynta Madaxweynaha Soomaaliya.