Madaxweynaha Soomaaliland Oo Safarkiisii Labaad Ugu Dhoofay Itoobiya

0

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti balaaran oo uu hoggaaminayo, ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 16/01/2018 safar shaqo oo qaadan doona maalmo kooban ugu ambo-baxay dalka Itoobiya.

Safarka madaxweynaha iyo weftigiisa, ayaa daba socda marti-qaad rasmi ah oo uu usoo diray ra’isal wasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegne, waxaana sida qorshuhu yahay uu madaxweynuhu la kulmi doonaa ra’isal wasaaraha Dalkaasi, iyada oo kulankaasna diiradda lagu saari doono xidhiidhka qotada dheer ee ka dhexeeya.

Madaxweynaha, ayaa waxa safarkiisa ku wehelinaya xubno ay kamid yihiin:

1. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, Mudane Maxamed Kaahin Axmed
2. Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Wershedaha iyo Dalxiiska Somaliland, Mudane Maxamuud Xasan Sacad
3. Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud xiir (Faratoon)
4. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibeda Somaliland, Dr Sacad Cali Shiire oo weftiga kaga Biiri doona Dalka Itoobiya.
5. Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland, Sareeye Gaas, Nuux Ismaaciil Taani.