Wiil uu dhalay Faysal Cali Waraabe oo lagu dilay Suuriya

0

Sida laga soo xigtay ehelkiisa oo jooga magaalada Hargayysa Xuseen Faysal Cali Waraabe oo uu dhalay hogaamiyaha xisbiga UCID ee Somaliland ayaa lagu dilay wadanka Suuriya dhamaadkii sanadkii hadda dhamaaday.

Wiilkan oo magaciisa badashay kuna biiray Daacish ayaa isticmaalayay magaca Abuu Shucayb Al-soomaal, waxaana uu haystaa dhalashada wadanka Finland oo uu asal ahaan kasoo jeedo.

Xuseen Faysal, balse la magac baxay Abuu Shucayb Al-Soomaal ayaa ku biiray Daacish sanadkii 2013kii isagoona ka tagay magaalada Hargaysa.

Ururka Al-shabaab oo horay weeraro uga fuliyay dalal ciidamo ahaan iyo ammaan ahaan ka badan Soomaaliya ayaan beegsan Somaliland, iyadoo la rumaysanyahay inuu jiro xiriir wada shaqayneed oo ka dhaxeeya, hubka iyo maleeshiyaadka kooxda ee ka dagaalama buuraha Galgala ayaa kasoo gudba dhinaca magaalada Burco.