TOP NEWS:-Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM Oo tagaya Dhuusamareeb

0

Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in halkaasi ay ku wajahan yihiin ciidamo ka socdo AMISOM.

Waxaana la sheegay in Ciidamadana  ayaa ay xaqiijin doonaan amaanka magaalada Dhuusamareeb oo la filayo in uu gaaro Madaxweyne Farmaajo

Lama oga  dalka ay ka socdaan ciidamadaasi, balse waxaa la filayaa in ay maanta gaaraan magaalada Dhuusamareeb, kadibna ay xaqiijiyaan amaanka hareeraha magaaladaasi.

Siyaasiga Cabdisamad Macalin Maxamuud oo ka mid ah masuuliyiinta wada qaban qaabada safarka madaxweynaha ee magaalada Dhuusamareeb ayaa xaqiijiyay in ciidamada ay yihiin kuwo ka qeyb qaadan doono amaanka magaalada.

“Waa la rajeynayaa in ciidamo ka socdo AMISOM ay yimaadaan halkaan si ay ula dagaalamaan Al Shabaab, waxay tagaan haraaraha magaalada si amaanka loo xaqiijiyo”ayuu yiri Cabdisamad.

Wafdiga Madaxweyne Farmaajo oo hadda ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa la filayaa in ay  usii gudbaan magaalooyinka Cadaado, Guriceel, Caabudwaaq iyo magaalada Dhuusamareeb.