Qaar ka mid ah Isimada Puntland oo Hadhimo Sharaf u Sameeyay Madaxwaynaha Puntland Iyo Madaxwaynaha dowlada Soomaaliya (sawiro)

Madaxwaynaha  Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxwaynaha dawladda DF ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa maanta14 january 2018 waxaa martiqaad quraac sharaf ah u sameeyay Isimada beesha Tanade.

Munaasabada ayaa waxaa kasoo qayb galay golayaashada dawladda Puntland, golayaasha Dawladda Faderaalka Soomaaliya,  qaar kamid ah saraakiisha Madaxtooyada dawladda Puntland iyo marti sharaf kale.

Munaasabadaan ayaa waxaa ku maamuusay Madaxda  Puntland iyo dawladda Federaalka ee Soomaaliya Beel kamid Beelaha Gobolka Mudug, waxaana ay ahayd munaasabad lagu soo dhawynayo Madaxwaynaha DF Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo wefdiga balaadhan ee uu hogaaminayo, kuwaasi oo ku sugan maalmihii udnabaysay Puntland.

Madaxwaynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas  iyo madaxwaynaha dawladda federaalka ee soomaaliya ayaa si wadajir ah ugaga mahad celiyay isimada iyo Guud ahaan Beesha Tanade ee marti qaadkaan ku maamuustay madaxdooda.

Sidoo kale Madaxwaynaha  Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, iyo Madaxwaynaha DF Soomaaliy Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa si wada jir ah ula yeeshay kulan looga hadlayey amaanka, xasiloonida, horumarka Magaalda Gaalkacayo iyo guud ahaan kan gobolka Mudug.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISMENT

LATEST NEWS

Taliyaha Ciidanka Xooga Gorod Oo Ka Tacsiyadeeyey Geeridii Ku Timid Alle Ha U Naxariistee Taliye ku Xigeenkii Ciidanka Badda Soomaaliyeed
- Jan 19, 2018
Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, Sarreeye gaas C/wali Jaamac Gorod, ayaa Ehelada, Ummadda Soomaaliyeed ...
Dhageyso:-Dawlada Somalia Oo Ku Guuleysatay Maxaabiis Soomaali Ah Oo Ku Xirnaa Dalka Hindiya In La Siidaayo
- Jan 19, 2018
Golaha Wasiirada Ee Dawlada Soomaaliya Ayaa Sheegeen In Ay Dawlada Soomaaliya Ay Dhawaan DalkaDib ...
TOP NewsDhageyso:-Xukuumada Somalia Oo Sheegtay In Sanadka 2020 Laqabanaayo Doorasho Qof Iyo Cod Ah
- Jan 19, 2018
wasiirka war faafinta xukuumada soomaaliya eng c raxmaan yariisoow ayaa warbaahinta u sheegay in ...
Madaxwaynaha Dawladda Puntland oo Booqosho ku Tegay Goobihii Wax barasho iyo Hoygii uu ka Degenaa Yaraantiisi Magaalada Dhuuso-Mareeb (Sawiro)
- Jan 18, 2018
Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaaWaxa uu soo booqday iskuulkii uu ...
Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Magaalada Dhuuso-Mareeb kaga qayb galay xaflada midaynta maamulada Galmudug iyo Ahlusunna-Waljameeca (sawiro)
- Jan 18, 2018
Madaxwenaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa  waxa uu magaalada Dhuuso-Mareeb kaga ...