Maxaa kasoo baxay Shirkii Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Puntland ee Gaalkacyo

0

Madaxwaynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxwaynaha dawladda DF ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa  waxaa martiqaad quraac sharaf ah u sameeyay Isimada beesha Tanade.

Munaasabada ayaa waxaa kasoo qayb galay golayaashada dawladda Puntland, golayaasha Dawladda Faderaalka Soomaaliya,  qaar kamid ah saraakiisha Madaxtooyada dawladda Puntland iyo marti sharaf kale.

Munaasabadaan ayaa waxaa ku maamuusay Madaxda dawladda Puntland iyo dawladda Federaalka ee Soomaaliya Beel kamid Beelaha Gobolka Mudug, waxaana ay ahayd munaasabad lagu soo dhawynayo Madaxwaynaha DF Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo wefdiga balaadhan ee uu hogaaminayo, kuwaasi oo ku sugan maalmihii udnabaysay Puntland.

Madaxwaynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas  iyo madaxwaynaha dawladda federaalka ee soomaaliya ayaa si wadajir ah ugaga mahad celiyay isimada iyo Guud ahaan Beesha Tanade ee marti qaadkaan ku maamuustay madaxdooda.

Sidoo kale Madaxwaynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, iyo Madaxwaynaha DF Soomaaliy Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa si wada jir ah ula yeeshay kulan looga hadlayey amaanka, xasiloonida, horumarka Magaalda Gaalkacayo iyo guud ahaan kan gobolka Mudug.