Madaxweynaha JFS oo kulumo la leh Bulshada Gaalgacyo

0

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo xalay ku hooyday Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa kulamo la leh masuuliyiinta heer Gobol iyo heer Degmo, duubabka dhaqanka, ganacsatada, culumada, iyo guud ahaan qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay sheegay in muddada labo cesho ah uu joogo doono magaalada Gaalkacyo si uu dardar geliyo  dadaallada dib u heshiisiinta iyo nabadeynta magaalada oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay bilihii u dambeeyay wax badan ka qabatay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa shalay waxaa Gaalgacyo uga bilowday Safaro uu ku tagaayo degaanada Galmudug oo ay ugu horeyso Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG Dowlad Goboleedka Galmudug.

Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Wafdiga la socda ayaa maalintii shalay aheyd soo gaba-gabeeyay Socdaalkii uu kumarayay Deegaanada Dowlad Goboleedka Puntland.