Madaxwayne Farmaajo oo nabadaynaya shacabka iyo Maamulada ka dhisan Gaalkacyo

0

Madaxwaynaha dowladda faderaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa maanta kulamo nabadayn ah la yeelan doona maamulada ka dhisan magaalada Gaalkacyo, isagoona wali ku guda jira booqashada uu ku joogo Puntland.

Madaxwayne Farmaajo ayaa kulan la yeelan doona dhinacyada magaalada kuwada sugan ee Puntland iyo Galmudug oo looga wada hadli doono arrimaha ammaanka iyo dib u heshiisiinta.

Dowladda madaxwayne Farmaajo ayaa horay dadaalo nabadeed uga waday magaalada Gaalkacyo, iyadoona hirgalisay ciidamo xasilaya ammaanka magaalada oo isku dhaf ah.

Maamulka Galmudug ayaan awood ku lahayn dhanka Koonfureed ee magaalada Gaalkacyo, iyadoo heshiis walba uu galo maamulka ay jiraan dhinacyo kale oo ka horyimaada heshiisyadaasi dibna u abuura khalkhalaase, lamana oga waxa kulankan uga duwanaan karo kulamadii hore.