Faah :Faahin Al-shabaab Oo Ciidamo Kenyaan ah ku weeraray Xadka Soomaaliya iyo keya ay Wadaagaan

0

Kooxda Al-shabaab ayaa Xalay Weerar dhaba gal ah waxa ay  ku qaadeen kolonyo ka tirsan Ciidamada Booliska dalkaasi oo la socday gaadiidka dadweyne oo ka soo ambabaxay deegaan Xeebedka Lamu ee dalkaasi kenya.

inta laxaqiijiyay Weerarkan ayay Al-shabaab waxa ay ku dileen 1 Askari halka Saal Askari oo kale ay ku dhaawacmeen Qaraxan.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalka Kenya ayaa sheegay in gawaaridaasi dadweynaha ay ka soo baxeen Lamu, kuna soo Jeedeen magaalooyinka Malindi iyo Mombasa, kadibna  halkaasi kala kulmay weerar ay Al Shabaab ku soo qaadeen.

Al Shabaab ayaa intabadan weeraro jid gal ah ku qaada Ciidamada Dowladda Kenya, xilliyada ay ku socdaalayaan Waddooyinka isku xira deegaanada iyo degmooyinka ku dhow Xadka ay wadagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya.