Dhageyso:-Wasiirka Cadaalada oo ka hadlay Cadaalad darrada ka jirta Maxkamadaha dalka

0

Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji Wasiirka Cadaalada XFS oo maanta kulan la qaatay qaar ka mid ah masuuliyiinta Wasaaraddaas ayaa ka hadlay dhibaatooyinka ay ku qabaan Muwaadiniinta Soomaaliyeed arrimaha Garsoorka dalka.

Waxaana uu qiray in shacabka Soomaaliyeed qaarkood ay dhibaaato xoogan ku qabaan Maxkamadaha dalka, kuwaas oo uu tilmaamay in aysan awoodin bixinta qarashaadka faraha badan ee ku baxa Maxkamadaha dalka.

Wasiirka Cadaalada Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji ayaa hoosta ka xariiqay in Wasaaraddiisu ay ka shaqeyn doonto sida ugu fudud oo ay Muwaadiniinta Soomaaliyeed ku heli lahaayeen Cadaalada dhab ah.

Halkaan hoose ka dhageyso:-