Dhageyso:-BBC-da oo lagu dhaliilay qaabka ay uga warrantay safarka Madaxweynaha ee Puntland

0

Socdaal taariikhi ahaa oo uu madaxweynaha JFS Mudane Maxamed C/laahi “Farmaajo” ku kala bixinayay deegaanada Puntland, hadana uu ku marayo deegaanada Galmudug ayaa waxaa maalmahan dambe baraha bulshada aad loogu falanqeeynayay warbixin lagu daabacay barta Internet-ka ay ku laadahay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da.

Madaxweyne Farmaajo miyuu u bareeray halista Galgala waa warbixin ciwaaneed lagu qoray barta Internet-ka ee BBC-da, iyadoo qaabka loo qoray warbixintaasi ay saluug ay ka muujiyeen qaar ka mid ah shacabka Puntland, siyaasiyiin, qurba joog iyo qeybo ka mid bulshada Soomaaliyeed.

Aqoonyahan Cabdi Maxamed Warsame oo ka mid yahay Aqoonyahanada Soomaaliyeed ayaa eedeyn dusha uga tuuray shaqaalaha Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da.

Waxaana uu sheegay in warbixintaasi ay gaf ku tahay shacabka Puntland oo si diiran u soo dhaweeyay madaxweyne Farmaajo.

Halkaan hoose ka dhageyso Codka.