Akhriso- Maxay ka wada hadleen Beesha Laylkase iyo Madaxweyne Farmaajo ?

0

Madaxweynaha DFS oo maalmahanba socdaal nabadeen iyo dib uheshiisiin ku maraayay deegaano katirsan Puntland kuna Sugan haatan Magaalada Gaalkacyo ayaa waxa uu maanta kula kulmay halkaasi  Beesha Laylkase kuwaas oo dhawan ku dhawaqay inay xiriirka Siyaasadeed iyo Wadda shaqaynayeed u jireen Puntland.

 

Beesha Laylkase ayaa kulan Quraac ah ugu samaysay Madaxweynaha Soomaaliya Saaka Magaalada Gaalkacyo gaar ahaan Xaafada Garsoor, waxaana kulanka lagu gorfeeyay Tabashada beesha iyo waxa ay ka tirsanayaan Dowlada Puntland.

 

Martiqaadkan ay Beeshada laylkase ay u samaysay maanta wafdiga Madaxweynaha waxaa Goob joog ka ahaa Madaxweynaha dawlada Puntland Mudane C/wali Maxamed Cali Gaas Xildhibaano,wasiiro iyo marti sharaf kale.

 

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa mahad celin kadib wuxuu sheegay in Soomaaliya xiligan ay joogto waqtigii laysku soo celin lahaa lagana wadda shaqayn lahaa sidii Dalku dhamaan isugu xirmi lahaa wixii Cilad farsamo ah oo jira ay tahay in la xaliyo.

 

Madaxweynaha oo Shalay Gaalkacyo soogaray ayaa Waxa uu Goob fagaare ah ka sheegay in safarkiisan uu yahay Safarkii dib uheshiisiinta Beelaha Soomaaliyeed .