AKHRISO:-Dagaal laga cabsi qabo in uu dhexmaro somaliland iyo puntland

0

Puntland iyo Soomaaliland ayaa ciidamadii ugu badnaa kusoo daabulay gobalka Sool gaar’ahaan duleedka tuulada Tukaraq oo ay xiisad dagaal ka qaraxday 08-Janaayo-2018 markii ay halkaas iska hor-imaad kooban kula wareegeen ciidamada Soomaaliland

Tukaraq oo horay u ahayd saldhiga u weyn ee Puntland ku leedahay gobalka Sool ayaa tan iyo markii ay la wareegtay Soomaaliland waxaa ka aloosnaa xiisadii ugu cuslayd, Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Cali Gaas ayaa ku dhaawaqay dagaal ay Puntland isaga difaacayso wuxuu ugu yeeray duulaanka Hargeysa, sidoo kale maamulka Soomaaliland ayaa sheegay inay gaarayaan xaduudkooda oo ay u arkaan inay tahay meel aan sidaa uga fogeyn caasimada Puntland ee Garowe, waxayna tan iyo xiligaas labada dhanba boqolaal ciidana oo si aada u hubaysan ku daabulaayeen degaanadaas.

Wararka aan ka helayno jiidaha ay isku hor fadhiyaan labada dhan ayaa sheegaya inay ciidamadu isku muuqdaan xili walbana la filan karo dagaal ka qarxa degaanadaas.