Taliyaha Ciidanka Danab oo sheegay in ay bur buriyeen saldhiggii Al-shabab ee Leego

0

War Qoraal ah oo Ka soo baxay Ciidamada kumaandooska soomaaliya ee Danab ayaa Lagu xaqiijiyay In ay bur buriyeen xaruntii ugu weyneed Al-shabaab ay ku lahaayeen Gobolka shabellaha hoose halkaas oo inta badan laga soo mleegi jiray weerarada iyo qarxayada ay ku dhibateeyaan shacabka.

Wxaa la bur buriyay baro kontorool oo ay Al Shabaab ku lahaayeen Degaanka leego ee Gobolka shabellaha hoose ka dib howlgal halkaasi ay ka sameeyeen ciidamada Danab Ee Kumaandooska Somalia.

 

G/sare Ahmed Cabdullahi sheikh Taliyaha ciidamada howlglka sameeyay Oo la hadlay idaacad ku hadasha afka ciidamada qalabka sida ayaa Sheegay in howlgal Gaar ah ay ka fuliyeen degaanka leego ay ku bur buriyeen fariisimo Al-shabaab ay ku lahayeen gobolkaas.

 

Gaashaanle Sare Ahmed ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada kumaandooska ay howlgalka ku dileen ciidamo fara badan oo ka tirsan Al-shabaab iyo horjoogayashooda kuwaasi oo wadarta tiradooda uu ku sheegay 10 ruux.

Waxaa sii xoogeesanaya howlagalada lagu bartilmameedsanayo horjoogayaasha l Shabaab oo ay sameenayaa ciidamada kumaandooska soomaaliya oo tayadoodu sii baaheyso.