QM oo war ka soo saartay Xiisada u dhaxeysa S/land iyo Puntland

0

Ergayga gaarka ah ee Qaramadda Midoobay u Qaabilsan arrimaha Soomaaliya Michael Keating ayaa ugu baaqay Maamulladda Soomaaliland iyo Puntland in xiisada dagaal ee u dhaxeysa lagu dhameeyo wadahadal.

Waxaana uu sheegay in Qaramada Midoobay ay diyaar u tahay in ay qaadato doorkeeda ku aadan sidii wadahadal loo dhax dhigi lahaa labadaasi Maamul.

“Haddii ay jiraan wax kala duwanaasho ah diyaar ayaan u nahay in aan wadahadal dhex dhigno labada dhinac, laakiin xal laguma keeni karo dagaal” ayuu yiri Keating.

Dhawaan ayey ahayd markii Ciidmada Soomaalinad ay dagaal kula wareegeen deegaanka Tukaraq, halkaas oo ay horay uga arrimin jirtay Puntland.