QM oo bilaabeyso Gargaarka ay Sanadkan u qorsheysay Soomaaliya

0

Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqday in Hay’adaheeda ka shaqeeya Soomaaliya ay bilaabayaan gargaarka dhinaca Bani’aadanimada ah ee Sanadkan 2018 ay u qorshaysay QM in ay ku daboosho baahiyaha Bani’aadanimo ee ka jira Soomaaliya

Jimciyadda Qaruumaha ka dhaxeysa ayaa sheegtay Deeqaheedu ay si toos ah u bilaaban doonan 17 -ka bishan Jaanayo ee sanadkan 2018.

Hay’adda  Qaramada Midoobay u qaabilsan xiriirinta Arrimaha Bani’aadanimada ee UN OCHA ayaa sheegtay in si wanaagsan ay uga hortageen Abaarihii xooganaa ee dalka ka dhacay Sanadkii la soo dhaafay ee 2017,  iyaga oo gacan ka helaya Deeq bixiyeyaasha Caalamiga ah.

Sidoo kale UN OCHA ayaa xustay in baahiyaha Bani’aadanimo ee ka jira Soomaaliya ay yihiin kuwo u baahan in si dhaqsi ah looga jawaabo, maadaama Roobabkii di’ jiray xilliyadii la soo dhaafay aysan si fiican uga di’in gobollada qaar.

Sida ay sheegtay Qaramada Midoobay ku dhawaad 6.2 Million oo Qof ayaa u baahan in lala gaaro gargaar deg deg ah, kuaas oo ku sugan gudaha Soomaaliya.