MD Farmaajo oo Xaflad Sagootin ah loogu sameeyay Boosaaso

0

Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo wafdiga la socday ayaa  xalay Xaflad soo  dhaweyn iyo sagootin ah loogu sameeyay Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Xafladda soo dhaweynta ah ee loo sameeyaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Maxamed (FARMAAJO) iyo wafdiga la socdo ayaa ka dhacday Xarunta Madaxtooyada Magaalada Boosaaso ,iydoo halkaas lagu soo bandhigay hadalo iyo heeso ka turjumaya muhiimadda ay leedahay Nabadda iyo midnimada Umadda .

Munaasabadda soo dhaweynta Madaxweynaha waxaa ka hadlay Madaxda heer federaal iyo dowlad goboleed,Odayaasha dhaqanka iyo qaar ka mid ah qeybaha Bulshada, iyagoo bogaadiyay socdaalka madaxweynaha uu kumarayo Gobalada Dalka Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada Boosaaso waxa uu kulamo wada tashi oo ku saabsan mustaqbalka dalka iyo dib u dhiska Qaranka uu la qaatay qeybaha kala duwan ee Bulshada Gobolka Bari.

Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo wafdiga la socda ayaa lagu wadaa inay socdaalkooda ku soo gabo gabeeyaan Gobollada dhexe ee dalka ,Axaddii aynu ka soo gudubnay ayay ahayd markii Wafdiga Madaxweynaha ay socdaalkooda ka soo bilowdeen Magaalada Garoowe ee xarunta Dowlad Goboleedka Puntland.