Kaluumeysatada Gobolka Mudug Oo Shaqo la aan ay Soowajahday, Hadaba Maxaa Sabab u ah?

0

Kalluumeysatada Gobolka Mudug ayaa  shaqadoodii u joojiyaay dhibaatooyin ay kala kulmeen Ciidamada NATO ee Xeebaha Soomaaliya.

Ku dhawaad 1,500 qof oo  ah Kalluumaysatada Xeebaha Hobyo kuwa ka agdhaw ee Gobolka Mudug ayaa  waxaa soo food-saartay Shaqo la’aan kadib markii Agabkoodii la bur-buriyey, halka qaarkoodne ay cabsi soo wajahday.

Cismaan Cabdi Shire Waxa uu Howsha Kalluumeysiga ku jiray 17-sano, Waxa uu sheegay in gudaha Badda ay u gali jireen in ka badan 100-Mile, balse Maanta 1-Mile aysan ugu tallaabi karin Xeebaha Mudug.

Cismaan ayaa sheegay in Gacantiisa Midig ay jabiyeen biyo awood ku socda oo looga soo furay Mid kamid ah Maraakiibta Nato, waxa uuna Tilmaamay in ay jiraan dad ay isla Jallaabanayeen ay waxyeelo kala duwan gaartay.

Ciidamada NATO ayaa Xeebaha Soomaaliya u joojo la dagaalanka Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida, oo Marar badan Qafaashay Maraakiib iyo Doomo u badan kuwa Ganacsi.