Howlgallo ballaaran oo Saakay ka socda magaalada Baladweyne

0

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Saakay howlgallo ka wada Xaafadoka tirsan magaalada Baladweyne ee xarunta g/ Hiiraan.

Howlaglladan ayaa yimid, kadib markii Xalay magaaladaasi lagu dilay Askari ka tirsanaa Ciidanka Dowladda oo ku sugnaa Xaafadda Buundaweyn ee magaaladaasi Baladweyne.

Saaraakiisha Ciidamada Dowladda ayaa sheegay in ay ku raad joogaan kooxihii ka dambeyay dilka Askarigaasi.

Waxaana howlgalladan saameyn xoogan ay ku yeesheen dhaq dhaqaaqii Ganacsiga Xaafadda Buundaweyn ee Magaaladaasi Baladweyne.

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa falal liddi ku ah ammaanka ay ka dhacayeen qeybo ka mid ah magaalada Baladweyne ee xarunta G/ Hiiraan.