DHAGEYSO : DEG DEG Baarlamanka Puntland oo ku dhawaaqay Dagaal ka dhan ah Soomaaliland.

0

Guddiga Amniga Baarlamanka Puntland oo Maanta Shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Somaliland oo dhowaan qabsatay degaanka Tukaraq ee gobolka Sool,halkaasoo ay weli gacanta ku hayso.

Guddoomiyaha Guddiga Amniga Baarlamanka Puntland Xil.Saadiq Abshir Garaad oo shirka jaraa’id ka hadlay ayaa ku dhawaaqay dagaal Cusub oo Somaliland looga xoreynayo taako kast oo ay kaga sugantahay gobolka Sool,wuxuuna sheegay in Xuduudka Puntland ku egyahay”Lebida Gaatama” ee soohdinta u dhexaysa gobollada Sool iyo Togdheer.

Dhinaca kale guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamanka Puntland Xil.,Xuseen yaasiin xaaji Diiriye oo dhankiisa hadalka qaatay ayaa bulshada gobolka Sool ugu baaqay in ay Somaliland iska-xoreeyaan,sida Shacabka Buuhoodleba isaga xoreeyeen,islamarkaana aanay magacooda dhaafsan Dollar jeebka loogu shubo.

Xildhibaan Xuseen oo ka jawaabayey hadal ka soo yeeray guddoomiyaha Baarlamanka Somaliland,Baashe Maxammed Faarax,ayaa sheegay in Baashe u macaansaday feerkii looga saaray gudaha baaraalamka Somaliland.

Halkaan ka daawo muuqaalka oo dhammaystiran.