Daawo Sawirrada:-Tuug qaab Cajiib ah dadka u dhici jiray oo la qabtay

0

Maamulka Degmada Kaaraan ayaa Xalay gacanta ku soo dhigay Wiil, kaasi oo si Tuuganimo ah Shacabka ka dhaca Mobile-lada iyo Lacagaha ay sitaanba.

Warkaani oo ay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ka heshay Maamulka Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ayaa intaasi ku daraya in uu Wiilkaasi Tuugga ah uu Dadweynaha ku dhici jiray Qoray Macmal ah oo ka sameysan Alwaax iyo biro la isku kab kabay, kaasi oo loo ekeysiiyay Qoriga AK 47.

Guddoomiyaha Degmada Kaaran Abdulfatah Nuur Cali oo ka hadlay goobtii lagu soo bandhigay Wiilkaasi Tuugga ah iyo waxyaabaha uu Dadka ku dhici jiray, ayaa sheegay in ay Ciidamada Ammaanka ee Degmada ay ku guuleysteen in gacanta lagu soo dhigo Wiilkaasi oo Dadweynuhu ay khaati ka joogeen, isagoo intaasi raaciyay in loo gudbin doono Hey’adaha ku shaqada leh Dacwadiisa.