Akhriso:-Goormee ayaa la qaban doonaa Shirweynaha Nabadeynta G/Banaadir?

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Taabid  Cabdi Maxamed oo shir Jaraa’id ku qabatay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay xiliga la qaban doono Shirweynaha Wadatashiga Nabadeynta iyo Hormarinta G/Banaadir.

Mudane Taabid  Cabdi Maxamed Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa magaalada Muqdisho ayaa sheegay in la qaban doono  Shirweynaha Wadatashiga Nabadeynta iyo Hormarinta Gobolka Banaadir 28-da Bishan Janaayo .

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa horay u sheegay in Shirka Wadatashiga Nabadeynta iyo Hormarinta Gobolka Banaadir uu yahay  mid muhiim ah, waxyaabha ugu muhiimsan ee looga hadli doono shirkaas ayaa lagu sheegay Nabadeynta Caasimada iyo Hormarinta Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Taabid  Cabdi Maxamed ayaa hore ugu dhawaaqay in 7 Bishaan Magaalada Muqdisho uu ka furmo shirkaasi balse uu dib u dhac ku yimid.