Qaramada midoobay oo sheegtay in dad ka badan boqol kun oo qaxooti Somali ah ay dalka dib ugu soo celisay

0

Hay,ada qaxootiga qaramada midoobay ee UNHCR ayaa sheegtay in qaxooti Somali ah oo tiradoodu ay gaareysay 110,913 ay dib ugu celisay somaliya saddexdii sanno ee la soo dhaafay .

UNHCR  ayaa xaqiijisay in qaxootigaasi somalida ah ay ka soo celisay lix dal oo dibadda ah,iyadoo intaasi ku dartay in qorshahaasi dib u celinta qaxootiga ay bilowday bishii December ee sanadkii 2014.

Qaramada ayaa sheegtay in saddexdii sanno ee u dambeysay ay xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee dalka kenya ay soo celisay 75,297 qaxooti Somali ah halka yemen ay ka soo celisay 34,990.

626 ka mid qaxootigaasi somalida ah ayey qaramada midoobay sheegtay in ay ka soo celisay dalalka Djibouti,Eritrea iyo Tunisia.

Kooxo quburo ayaa sheegay in siyaasada iyo deganaansho la,aanta ka jirta somaliya ay dhibaato ku tahay qaxootiga dib loogu celinayo,iyagoo dalbaday in xilli ku haboon la celiyo qaxootiyada somalida ah.

Laanta qaxootiga qaramada midoobay ee UNHCR qaxootiga ay ka soo celiyeen dalalka kenya iyo yemen ay u adeegsadeen dib u celintooda diyaaarado iyo doomo

sarkaal ka tirsan qaramada midoobay ayaa xusay in si ku meel gaar ah ay u hakiyeen safarada qaxootiga xeryaha Dhadhaab ee dhinaca dhulka sababa la xiriira dhinaca ammaanka oo aan wanaagsanayn