muhaajiriin ay ku jiraan Somali oo lagu xiray dalka Libya

0

xukuumada bariga dalka Libya ayaa sheegtay in la xiray 81 muhaajiriin ah oo ka soo jeeda dalalka Eritrea,Ethiopia iyo Somali,kuwaasoo doonayey in ay tahriibaan dalalka qaarada yurub.

Ahmed Al arifi oo ah sarkaal ka tirsan waaxda ka hortagista muhaajiriinta ayaa sheegay in ay kooxdaasi muhaajiriinta ah ay ka qabteen bariga magaalada Benghazi

Sarkaal ayaa xusay in dadkaasi oo si sharci ah ku soo galay dalka Libya dhawaan loo masaafurin doono dalalki ay ka yimaadeen.

Libya ayaa ah dalka ugu weyn ee qaarada yurub ay ka galaan muhaajiriinta ka yimaada qaarada afrika,iyadoo sannadkii hore ku dhawaad 120,000 oo ruux ay ka gudbeen badda mediterraneanka kuwaasoo gaaray qaar ka mid ah dalalka qaarada yurub.

Dadka muhaajiriinta ah ayaa la sheegay in ay soo maraan dhulka saxara ah ee u dhaxeeya dalalka Libya iyo sudan halkaasoo ay ka kala kulmaan dhibaatooyin fara badan.

Somali badan ayaa qayb ka ah muhaajiriinta gaarta dalka Libya si ugu sii gudbaan dalalka qaarada yurub