Guddiga Doorashooyinka oo go’aan kasoo saaraya dib u doorashada kuraasta banaan

0

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka ayaa sheegay in maalinta Axadda ee soo socoto ka jawaabi doonaan warqad kasoo gaartay maxkamadda sare ee dalka.

Qoraalkaasi ayaa ahaa inay hakiyaan doorashada kuraasta banaanaatay ee xildhibaanada golaha shacabka, waxaana Xaliimo Yareey ay shaacisay inay kulan ku yeelaan doonaan magaalada Muqdisho.

Xaliimo Yareey, oo ku sugan magaalada Dhuusomareeb ayaa saxaafadda u sheegtay in xubnaha guddiga ay ku shirayaan magaalada Muqdisho, islamarkaana lagu wargeliyay inay shirkaasi kasoo qeyb galaan maadaama ay Muqdisho ka maqan yihiin.

Sidoo kale Guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka ayaa sheegtay in codsi uu kaga yimid guddoonka golaha shacabka, kaasi oo ah in la boobsiiyo doorashada afarta kursi ee ka banaanaatay golaha shacabka.

“Golaha shacabka ayaa inoo soo jeediyay Ducement oo ah inaan soo buuxino kuraasta banaanaatay, balse waxaan shalay warqad ka helnay maxkamada sare oo ah joojinta iyo kasoo jawaabida warqadooda”.

“Maalinta Axadda ayaan ku shiri doonaa Muqdisho, waxaana kasoo jawaabi doonaa warqada naloo soo diray ee ah inaan joojino doorashada kuraasta banaan, maalinta axada ayaana jawaabta oo buuxdo soo saari doonaa”.ayay tiri Xaliimo Yareey.