Diyaarado Dagaal Oo Duqeen ka gaystay G/Jubada Hoose

0

Diyaarado dagaal ayaa duqeymo xoogan ka fuliyay tuulooyin ku dhow dhow deegaanka Diif ee Gobolka Jubbada Hoose.

Wararka ayaa sheegaya In duqeymaha ay ka dhaceen daafaha deegaanka Diif halkaas oo la sheegay in ay ku sugan yihiin  dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab oo saacado ka hor isaga baxay deegaankaasi Diif.

Ciidamada Maamulka Jubbaland ayaa la wareegay deegaanka Diif ee Gobolka Jubbada Hoose kadib markii ay isaga huleeleen Al Shabaab.

Diyaaradaha duqeeyay duleedka Diif oo aan la ogeyn heybtooda ayaa loo maleynayaa in ay yihiin kuwa dagaalka ee Kenya.

Lama oga Khasaaraha duqeymahaas oo xoogoda ay dhaceen xalay balse waxaa  jira  Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ba leh wallow aan la cayimin.

Dhinacyada Jubbaland iyo Al Shabaab ayaan weli wax war ah ka soo saarin duqeymahaasi.