DHAGEYSO : Wasaaradda Amniga oo faah faahisay dilal ka dhacay Sh/Hoose

0

Wasaaradda Amniga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faah faahin dheeraad ah waxa ay ka bixisay dilal qorsheysnaa oo ururka Al-shabaab todobaadyadii la soo dhaafay ka geysteen degaano ka tirsan Koonfur Galbeed, gaar ahaan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Waxa ay sheegtay Wasaaradda Amniga Soomaaliya in ururka Al-Shabaab ay boobeen xoolo fara badan oo ay lahaayeen dad shacab ah, oo aan waxba galabsan.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga C/casiis Xildhibaan ayaa sheegay in Shabaab sidoo kale ay dileen Shan ruux oo uu sheegay in ay ku eedeeyeen in ay la la shaqeynayeen Dowladda Federaalka iyo Dowlado shisheeye.

Wuxuu sheegay Dowladda Federaalka in ay u tacsiyadeyneyso dadkaasi la dilay oo Hay’adaha ammaanka ay ku howlan yihiin sidii ay warbaahinta ugu soo bandhigi lahaayeen magacyadooda.

C/casiis Xildhibaan ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka aysan marnaba raali ka aheyn in qof shacab ah dhiigiisa la daadiyo, gacantana ku soo dhigi doonto raggii ka dambeeyay dilalkaasi.

Ugu dambeyntii shacabka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Hay’adaha ammaanka, si ay u fududaato in gacanta lagu soo dhigo ragga dilalka geysta, iskuna daya in ay baxsadaan.

Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Shabeellaha Hoose C/fataax Xaaji oo sanadkan bilowgiisa la hadlay warbaahinta Dowladda ayaa sheegay Shabaab sanadkii 2017 in ay kordhiyeen dilalka iyo qaraxyada ay ka geysteen, balse sanadkan ka maamul ahaan ay ka hortagi doonaan weerarada Shabaab.