Daawo Sawirada:-MD farmaajo Oo Shegay In Dawlada Ay Putland Kala Shaqeeneyso Amniga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahad-celiyey shacabka iyo Dowlad Goboleedka Puntland sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen isaga iyo wafdigiisa.

Madaxweynaha oo si diirran loogu soo dhaweeyey Degmooyinka Carmo, Waaciye, Boosaaso iyo degaannada Sheerbi, Xiddo, Alxamdulilaah, Ceel Daahir, Jiingadda, Wardheer, Yalho, Kalabeyr, Karin iyo Laag oo ka tirsan Gobolka Bari ayaa sheegay in sanadkan 2018 uu noqonayo sanadkii dib u heshiisiinta shacabka Soomaaliyeed, safarkiisuna uu salka ku hayo nabadeynta iyo la tashiga shacabka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu safarka ku jiray waxa uu dhagax dhigay wajiga labaad ee waddo laami ah isku xireysa Ceel Daahir iyo Ceergaabo. Halka uu Deegaanka Kalabeyr ka dhagax dhigay waddo isku xiri doonta deegaankaas iyo Degmada Beyla ee Gobolka Bari.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu wehelinayo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kormeeray Kulliyadda Tababarka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee magaalada Carmo.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulamo wada tashi ah la qaadanaayey masuuliyiinta iyo odayaasha deegannada uu socdaalka ku maray ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay si dhow ugala shaqeynayso Dowlad Goboleedka Puntland daadejinta adeegyada bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay u qorsheysay deegannadaas.

“In badan oo ka mid ah masuuliyiinta ka soo jeeda deegannadan waxa ay markasta nagala hadlaan sidii adeegyada dowladda ee heer Federaal loogu dhammeystiri lahaa. Anaga oo kaa shaneyna Dowlad Goboleedka Puntland waxaan ka shaqeynaynaa arrinkaas.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Marwada koowaad ee Puntland Drs. Hodan Siciid Ciise, wasiirro heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ah, siyaasiyiin iyo masuuliyiin qeyb ka ah wafdiga Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntii gaaray magaalada Boosaaso halkaas oo kumannaan shacab ah iyo masuuliyiinta heer gobol iyo heer degmo ay isugu soo baxaeen fagaarayaasha iyo bannaanka magalaada.

Halkaan Hooe Ka Daawo Sawirada MD Farmaajo

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISMENT

LATEST NEWS

DHAGEYSO+SAWIRO:-Warbixin Socdaalkii madaxwaynaha ee Balanballe ,Xeraale iyo Caabudwaaq
- Jan 21, 2018
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo Socdaalkii uu ugu magacdarey Socdaalkii Nabadda iyo Dib ...
Akhriso- Madaxweyne C/wali Cali Gaas oo Soo saaray War Farxad Galiyay Shacabka Puntland
- Jan 21, 2018
Madaxweynaha Dowlada Puntland Cabdwali Cali Gaas oo ku sugan  Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Garoowe ...
Ciidamada Dowlada Afgaanistaan Oo Soo bad baadiyay 150 qof Oo lagu Weerar Hotel kuyaala Caasimada Afgaanistaan ee Kaabuul
- Jan 21, 2018
Ciidamada dalka Afhaanistaan ayaa soo Afajaray saaka howlgalkii ay ku qaadeen Weerar kooxo hubaysan ...
Madaxweyna Oo Saaka Dhagax dhigaya Dhismaha Dekeda Hobyo
- Jan 21, 2018
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa saaka waxaa lafilayaa in uu dhagax dhigo dhismaha ...
Sawirro:-Madaxweyne Farmaajo oo socdaalka dib u heshiisiinta ku maray Balanballe, Xeraale, Huurshe iyo Caabudwaaq
- Jan 21, 2018
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo socdaalka nabadda iyo dib u ...