Cabudwaaq & Dhuusomareeb oo laga dareemayo diyaar garowga soo dhaweynta wafdiga madaxweynaha

0

Qaban qaabashada soo dhaweynta wafdiga madaxweynaha Soomaaliya ayaa laga dareemayaa magaalada Dhuusamareeb oo caasimad u ah maamulka Galmudug.

Madaxa xukuumadda Galmudug Sheikh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa magacaabay guddi ka shaqeyn doono amaanka magaalada iyo dhameystirka heshiiska Galmudug iyo Ahlu sunna.

Guddigaasi oo ka kooban dhowr xubnood ayaa laga doonayaa inay ka shaqeeyaan qaban qaabada soo dhaweynta madaxweynaha dowladda Soomaaliya iyo wafdigiisa ee la filayo inay gaaraan magaalada Dhuusomareeb.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa markii ugu horeysay isaga la filayaa inuu gaaro caasimadda Galmudug ee Dhuusomareeb tan iyo markii la doortay.

Heshiis dhexmaray Ahlu sunna iyo Galmudug ayaa fududeeyay in Sheikh Maxamed Shaakir laga dhigaa madaxa xukuumadda Galmudug, islamarkaana labada dhinac ay isku soo dhawaadaan.

Madaxweyne Farmaajo oo safaro ku maraya gobolada dalka qaarkood ayaa la filayaa inuu tago magaalooyin dhowr ah oo ka tirsan Galmudug.