Boqolaal qof uu Kenyan ah oo cudurka Kuduudiyaha la ildaran

0

Wararka laga helaya deegaano iyo Gobolo kamid ah Dalka Kenya ayaaa sheegaya in cudurka Kaduudiyaha loo yaqaano uu faraba’an uu kuyahyo bulshada.

Goobaha cudurkaasi uu ka dilaacay ayaa waxaa kamid ah Magaalada Mombasa iyo deegaanno kale oo ka tirsan gobolka xeebta ee waddanka Kenya,halkaasi oo maalmihii la soo dhaafay uu xanuunka kaduudiyaha ku soo ritay tiro aad u badan oo dad ah.

Sida ay sheegayaan dhaqaatiirka qaar kood,Xanuunka kaduudiyaha oo ay keento qaniinyada nooc ka mid ah kaneecada ayaa waxa uu leeyahay qandho aad u kulul, waxa uuna sidoo kale saameeyaa kala goysyada xubnaha jirka.

Dr Khaliif Cabdifitaax Maxamed oo kamid ah dhaqaatiirka ku xeel dheer cudurkaasi ayaa sheegayaa in uu saameyn weyn uu kuyeelan karo bulshada dhexdeeda islamarkaana uu yahay cudur halis ah.

Isbitaalada kuyaala Gobolka Xeebat ee Dalka Kenya ayaa waxaa lagula tacaalayaa dadbadan oo uu soo ritay cudurkaasi Kuduudiyaha,wuxuu ka warbixiyay saameynta xanuunkani uu leeyahay,waxaana dhaqaatiirtu ay la tacaalayaan dadka uu soo ritay Kuduudiyaha.