Aasaasihii WikiLeaks Julian Assange oo la siiyay dhalashada wadanka Ecuador

0

Dowlada Ecuador ayaa siisay dhalashada dalkeeda Aasaasaha shabakada siraha kashifta ee WikiLeaks Julian Assage kaasoo muddo shan sano ah magangalyo ku jooga safaarada ay ku leedahay magaalada London.

Wasiirka Arrimaha Dibada Ecuador Maria Fernanda Espinosa ayaa sheegtay in 12kii Bishii December uu soo codsaday in la siiyo dhalashada Ecuador Assange oo asal ahaan ka soo jeeda dalka Australia dowlada Ecuadorna ay ka aqbashay codsigaas.

Hase yeeshee dowlada Britain ayaa diiday in ay aqbasho codsi ugaga yimid dowlada Ecuador oo ahaa in Assange loo tixgeliyo diblumaasiyanimo taasoo ka dhigeysa in aan la xiri karin.

Dowlada Ecuador ayaa siisay magangalyo siyaasadeed Assange kadib markii uu galay safaaradeeda ku taal magaalada London sanadkii 2012kii,isagoo doonayay in uu ugaga badbaado eedeymo ay dowlada Spain ku eedeysay kufsi, balse Assange ayaa beeniyay eedeyntaas.

Xeer ilaaliyaasha Sweden ayaa hase ahaatee bishii May ee sanadkii hore waxa ay ka laabteen baaritaanka dacwada lagu soo oogay Assange balse waxaa Booliska Britain ay ku soo oogayaan Julian dacwad ah inuu jebiyay damiin lagu sii daayay.

Julian Assange ayaa waxaa sidoo kale uu ka baqayaa in loo gacan geliyo dowlada Maraykanka isla markaana lagu qaado dacwado la xiriira daabicida kumanaan dukumintiyo sir ah oo milatariga Maraykanka iyo sirdoonka Maraykanka uu soo bandhigey.