TOP DHAGEYSO : Xildhibaano ka tirsan Aqalka Sare & golaha shacabka oo Beledweyne gaaray

0

Ujeedada wafdiga xildhibaanada labada aqal ayaa ah sidii ay uga faa’ideysan lahaayeen waqtigooda fasaxa inay la kulmaan bulshada ay ku matalaan dowladda Soomaaliya.

Soo dhaweyn kadib wafdiga ayaa gaaray xarunta maamulka Gobolka Hiiraan halkaasi oo ay kula kulmeen odayaasha , waxgaradka iyo xubnaha maamulka Hiiraan iyo kan degmada Beledweyne.

Qaarka mid ah odayaasha gobolka ayaa xildhibaanada labada aqal u sheegay waxyaabaha ay ka filayaan muddada ay magaalada Joogaan.

Isu duwaha caafimaadka ee gobolka Hiiraan ayaa dhankiisa ka warbixiyay xaaladaha dhanka caafimaadka ee ka jirta magaalada Beledweyne, wuxuuna sheegay in caruur badan ay la il daran yihiin cuduro kala duwan oo u baahan in wax laga qabto.

Ugu dambeyn senetarada aqalka sare iyo xildhibaanada golaha shacabka ayaa u mahadceliyay bulshada iyo maamulka degmada Beledweyne sida ay usoo dhaweeyeen, waxayna sheegeen waxyaabaha ay qaban doonaan mudada ay magaalada Joogaan.

Mudada ay halkaan joogayaan xubnaha maamulka aqalka sare iyo xildhibaanada golaha shacabka ayaa waxay la kulmi doonaan bulshada qeybaheeda kala duwan.