DHAGEYSO : Xaaf oo Ka hadlay Booqashada Farmaajo ee Cabudwaaq iyo Deegaanada Kale ee Galmudug.

0

Maamulka Galmudug ayaa markiisa isu diyaarinaya soo dhaweynta Madaxwyenaha Soomaaliya ee booqashada hadda ku jooga degaannada Maamulka Puntland.

Madaxweyne Farmaajo iyo Wafddiga uu hoggaaminayo ayaa saaka tagay degaanka Carmo ee Gobolka Bari sidoo kale waxaa ay maanta ku wajahanyihiin Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari,halkaas oo uu uga sii gudbayo Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Booqashada Madaxweyne Farmaajo ee Gaalkacyo waxaa ay ka billaabaneysaa waqooyiga waxaana ku xiga Koofurta Gaalkacyo oo laga dheehanayo soo dhaweyntiisa.

Boorarka ay ku sawiranyihiin Sawirrada Madaxweynaha, astaamaha qaranka Soomaaliya iyo Calanka Galmudug ayaa lagu arkayaa magaalooyinka qaar sida Gaalkacyo qeybteeda Koofureed.

Sidoo kale darbiyada ayaa lagu xardhayaa Calanka SOomaaliya iyo Calanka Galmudug iyada oo safarka Madxweynaha ee Galmudug uu ku tagayo Magaalooyinka Gaalkacyo,Dhuusamareeb,Cadaado,Cabudwaaq iyo Guriceel.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Axaddii hore ka baxay Muqdisho waxaana uu safarkiisii ka billaabay Magaalada Garoowe,halkaas oo uu isla maalinkiiba xarigga ka jaray Garoonka Diyaaradaha Magaaladaasi oo dib loo dhisay.