DHAGEYSO:-Dowlada soomaaliya oo cafis u fidisay siyaasiyiinta mucaaradka

0

Wasaaradda amniga gudaha xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta shaacisay
in cafis loo fidinyo siyaasiyiinta mucarad ku ah dowladda Soomaaliya,waxaan wsaraddu ay sheegtay in xubnahan cafiska loo fidinayo ay qal-qal galin ku wadan dalka.

Afhayeenka Wasaaraddaas C/casiis Xildhibaan oo Saxafadda kula
hadlay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dowladda Soomaliya ay cafis
u sameyneyso siyasiyiin dowladda ugu eedeysan qaran dumis,islamarkaana
hay’adaha ammaanka ee dowladdu ay isku afgarteen in siyaasiyiintan
lala xisaabtamo haddii ay dhacdo in mar kale ay soo celiyaan falka
hadda ay ku eedeysnayeen.