Qarax Gaari oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

0

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax gaari oo saakay ka dhacay degmada Hodan ee Gobolka Banaadir gaar ahaan xaafada Taleex.

Qof goobjooge ah oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Gaariga qarxay ay saarnaayeen laba ruux, oo midi uu gaariga kaxeynayay, halka midka kalena uu fadhiyay kursiga kale ee shirka.

Labada ruux ee Gaariga saarnaa ayaa dhaawac uu soo gaaray, ninkii gaariga kaxeynayay oo magaciisa lagu soo koobay Catoosh ayaa dhaawac culus uu soo gaaray, sidoo kale gaariga oo nuuciisa uu ahaa kuwa raaxada ayaa burbur xoogan uu soo gaaray.

Hay’adaha ammaanka Dowladda Federaalka oo gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa sheegay qaraxan nuuciisa inuu ahaa midka loo yaqaano dhejiska, hadana ay wadaan baaritaano kale, ayna dib ka faah faahin doonaan qaraxan.

Ciidamada ayaa xiray afarta jiho ee wadada qaraxa uu ka dhacay, waxaana ay halkaasi ka qaadeen raggii dhaawaca uu soo gaaray, waxaa ku soo xoomay goobta uu qaraxa ka dhacay dadweyne aad u fara badan, kuwaasi oo eegayay sida ay wax u dhaceen.