Sawirro- Bosaaso Oo Diyaar Garowgii ugu dambeeyay ugujirta Soo dhawaynta Madaxweynaha

0

Qaban qaabo xoogan ayaa shalay ilaa iyo saaka ka socotay Magaalada Bosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland taas oo lagu soo dhawaynayo Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo.

Goobaha lagu daabaco Boorarka ayaa aad umashquulsan ,waxayna ku howlanyihiin dadwaynaha  daabacada Sawirada Madaxweynaha iyo Calanka Jamhuuriyada Soomaaliya.

 

Magaalada Bosaaso ayaa wadooyinkeeda Waa wayn ee dhaxmara Waxaa lagu xardhay Calanka Soomaaliya , waxaana Qaban qaabada soo dhawaynta ku howlan  Dowlada Hoose iyo dhalinyarada is xilqaamayaasha ee Hormuudka waa inaga .

 

Madaxweynaha ayaa lafilayaa in maanta uu soo gaaro Magaalada Qardho halkaasi oo ay saaka ka socoto xaflada qaban qaabada soo dhawaynta Madaxweynaha.

 

Xuquuqda Sawirada C/raxmaan Bulshaawi