DHAGEYSO:-Madaxweyne gaas oo fariin culus diray somaliland “Somaliland weerar qaawan ayay nagu so qaadeen”

2

Madaxweynaha dowladda Puntland oo shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Madaxtooyada magaalada Garoowe ayaa ka hadlay dagaalkii Shalay Somaliland ku qabsatay degaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Cabdiweli Maxammed Cali Gaas ayaa ugu horrayn Somaliland ku eedeeyay in ay carqaladeynayso safarka Madaxweyne Farmaajo iyo midnimada Umadda Soomaaliyeed,islamarkaana ay garabsiinayso Al-shabaab iyo Daacish.

Wuxuu sheegay in Puntland ay “culayska saartay horumarka dalka iyo dib u dhiskiisa” oo aanay raadinayn daadinta dhiig Soomaaliyeed,balse haddii la soo weeraro ay ku filantahay difaaca dalkeeda iyo dadkeeda,wuxuuna Somaliland ugu hanjabay in ay cawaaqib xun kala kulmi doonto dagaalka ay ku qabsatay degaanka Tukaraq ee gobolka Sool,jawaabteedna ay heli doonto.

Shacabka reer Puntland ee dal iyo debad ayuu ugu baaqay in ay garab istaagaan ciidamada difaaca Puntland si loo xaqiijiyo midnimada iyo wadajirka Puntland”Shacab ahaan iyo dhul ahaanba”. Madaxweyne Gaas ayaa dowladda Soomaaliya,Daneeyaasha Xasiloonida Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ku wargeliyey in Somaliland mas’uul ka noqon doonto cawaaqib xumada ka imaan doonta wax uu ugu yeeray“duullaanka qaawan ee ay ku soo qaadeen degaanka Puntland”.

Comments are closed.