DAAWO SAWIRADA:-Isimada Puntland oo Qado sharaf u Sameeyay Madaxwaynaha Soomaaliya

0

Qaar ka mid ah Isimada Puntland oo Qado sharaf u Sameeyay Madaxwaynaha Dawladda Federaalka ee Soomaaliya. Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Madaxwaynaha Dawladda Puntland Dr . Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Madaxwaynaha dawladda DF ee soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Madaxwaynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo weliba  Madaxwayne ku xigeenka Dawladda Puntland  ayaa waxaa maanta 08 january qado sharaf u sameeyay islaan Ciise islaan Maxamed iyo suldaan Siciid Maxamed Garaase oo ka mid ah isimada gobolka Nugaal.

Qado sharafta ayaa waxaa kasoo qayb glay wasiiro, xildhibaano katirsan dawladda federaalka ee  Soomaaliya iyo dawladda Puntlnd.

Munaasabadaan qado sharafta ah ayaa waxay isimada gobolka Nugaal kusoo dhawaynayeen Madaxwaynaha dawladda Federaalka ee Soomaaliya iyo wefdigii ku wehelinayay safarkiisa uu ku joogo magaalada Garoowe ee caasimadda dawladda Puntland.

Madaxwaynaha dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas  iyo madaxwaynaha dawladda federaalka ee soomaaliya ayaa uga mahad celiyay isimada Puntland casumaada ay usameeyeen  isimada Puntland gaar ahaan isimada gobolka Nugaal .

Ugu danbayn Madaxwaynaha Dawladda federaalka ee soomaaliya oo labadii maalmood ee danbaysay ku sugnaa Puntland ayaa waxaa uu maalmahan soo socda sii joogi doonaa Puntland isaga oo safar ku tagi doona  qaar ka mid ah gobolada Puntland.