TOP DHAGEYSO : Cali Xaaji Warsame oo Oga Digay MD Gaas inuu Muddo Kororsi iyo Boob Sameeyo 2019.

0

Siyaasiga Cali Xaaji warsame oo Kamid ah siyaasiyiinta Caanka ah ee puntland ayaa ka hadlay Xaaladda Dalka iyo Mowjadaha Siyaasadeed ee Xiligan taagan,

Cali xaaji Wuxuu Dowladda ku dhaliilay Qaabka ay u wajahday Qancinta Dadka Shacabka ah iyo Heshiiskii Dowladda ee Shirkadda DP World ee laga leeyahay Dalka imaaraadka, Wuxuuna si gaar ah ugu dhaliilay Madaxweyne Cabdiwali Awood kororsi uu rabo inuu sameysto.

“Maanta wuxuu isku diyaarinayaa inuu Puntland Sanad ama Labo Sano ku Darsado, Oo Bur-burkii uu gaarsiiyay sii kordhiyo, Ama uu boobo doorashada soo socoto, si uu ugu guuleystana uu ka soo galo gudiga Xalinta Khilaafaadka ee la magacaabi doono, Waxaan ka digayaa in gudigaasi noqdo mid ninka xilka haya uu ku Howlgalo ” Ayuu Yiri Siyaasi Cali Xaaji Warsame

” Waxaan Qabaa maanta in Puntland sanadka Haray Talada loo daayo dadka isimada ah, Oo 2012 markii la dooranayay ayeey kala jabeen isimadii oo kala Raaceen isaga iyo Madaxweyne Cabdiraxmaan, Mana uusan heshiisiin, Abaaro ayaa dalka ka dhacay Waa ka maqnaa, Cadow ayaa soo weeraray Puntland waa Ka maqnaa, Isagana Safaro iyo Hotello 5-Star ah ayuu ku jiray, Runtii dadka Puntland waa Dad Astaahila iney helaan Madax Astaahil ah ” Ayuu Ku Sheegay hadalkiisa Siyaasi Cali Xaaji Warsame

Dhinaca Kale Siyaasiga Cali Xaaji ayaa dowladda ku dhilaalay Qaabkii ay u wajahday Heshiiskii Dekedda Boosaso ee sanadkii Hore lala Galay Shirkadda P&O ee dalka imaaraadka, isagoona sheegay inuu heshiiskaasi ku faraxsanyahay laakiin loo baahanyahay in laga talagaliyo isimada iyo Dadka ganacsatada ah,

Ugu Danbeyn ayuu Cali Xaaji Ka hadlay Xaaladda Gobolka sool, Gaar ahaana Magaaladda Laascaanood, oo ay gacanta ku heyso Soomaaliland, Isagoo sheegay in Laga rabay Madaxweynaha Inuu ka dhabeeyo Balanqaadkiisii ahaa inoo soo celinayo deegaankaasi, Balse taasi aysan waxba ka Qabsoomin.