WAR DEG DEG + DHAGEYSO: Guddoomiyaha Maxkamada CQS oo aabihiis lagu dilay Muqdisho

0

Waxaa Caawa Kooxo hubeysan ay toogasho ku dileen nin ganacsade ahaa oo aad looga yaqaano Degmada Dharkeenleey ee Magaalada Muqdisho.

Marxuuma oo magaciisa lagu sheegay Cali Nuur Shuute, kaasi oo dhalay sida la sheegay Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida.

Marxuumka ayaa dhaawac ahaan loo qaaday balse ku dhintay Isbitaalka.

Goobjooge ayaa sheegay in raggii ka dambeeyay falkaasi ay isaga baxsadeen goobta.

Ilaa iyo hada majirto cid sheegatay mas’uuliyada dilka Ganacsade Cali Nuur Shuute.