DAAWO: XILDHIBAAN Qaybdiid oo sheegay weerarkii lagu qaaday hooygiisa in lagu dhaawacay ilaaladiisa

0

Waxaa warar dheeraad ah ay ka soo baxayaan weerar maanta lagu qaaday hooyga Xildhibaan Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo ku yaalla Magaalada Muqdisho.

Xildhibaanka oo ka mid ah kuwa Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxuu sheegay in Ciidamo tababar ka soo qaatay Imaaraadka Carabta ay xoog ku soo galeen Hooygiisa.

Waxuu carabka ku adkeeyay in labo ruux oo ka mid ah ilaaladiisa lagu dhaawacaya falkaasi, waxaana dhaawaca ilaaladiisa ay ka soo gaareen sida uu sheegay Gaari Dagaal oo lagu dhuftay albaabka hore ee Hooygiisa.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa Xildhibaan Qeybdiid waxuu sheegay in ay la soo xiriireen Taliyayeyaasha Nabad Sugida iyo Ciidamada Xooga si ay baaritaan ugu sameeyaan falkaasi.

Ilaa iyo hada waxaa jawaab muuqata laga sugayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku aadan falkii lagu weeraray Xildhibaanka.