AKHRISO:- Wasiirka Warfaafinta DFS Eng Yariisoow oo sheegay in dawladda ay wado Baaritaano ku aadan weerarkii lagu qaaday Guriga Senator Cabdi Qaybdiid.

1

Wasiirka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Eng: C/raxmaan Cumar Osmaan ayaa Facebook-giisa wuxuu kusoo qoray in dowladdu ay waddo baaritaan ku aadan weerarkii ay maanta ciidamo ka tirsan dowladda ku qaadeen hoyga Senator Cabdi Xasan Cawaalwe Qeybdiid.

Waxa uu sheegay wasiirka in sharciga la horkeeni doono cid walbo oo falkaasi ku shaqo leh, waliba sida ugu dhaqsiyaha badan.

“Dowladda federaalka waxay waddaa baaris ku aadan sababta iyo ciddii ka dambeysay falka ka dhacay guriga Senator Cabdi Qeybdiid, sharciga ayaana la horkeeni doonaan sida ugu dhaqsiyaha badan” ayuu yiri wasiirka.

Dhinaca kale Ciidamo ka tirsan xoogga dalka, gaar ahaan kuwa ay tababartay dowladda Imaaraadka ayaa maanta oo Sabti ah weerar ku qaaday hoyga magaalada Muqdisho ka deggan yahay Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.

Comments are closed.