AKHRISO:- Wasiirka Warfaafinta DFS Eng Yariisoow oo sheegay in dawladda ay wado Baaritaano ku aadan weerarkii lagu qaaday Guriga Senator Cabdi Qaybdiid.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Eng: C/raxmaan Cumar Osmaan ayaa Facebook-giisa wuxuu kusoo qoray in dowladdu ay waddo baaritaan ku aadan weerarkii ay maanta ciidamo ka tirsan dowladda ku qaadeen hoyga Senator Cabdi Xasan Cawaalwe Qeybdiid.

Waxa uu sheegay wasiirka in sharciga la horkeeni doono cid walbo oo falkaasi ku shaqo leh, waliba sida ugu dhaqsiyaha badan.

“Dowladda federaalka waxay waddaa baaris ku aadan sababta iyo ciddii ka dambeysay falka ka dhacay guriga Senator Cabdi Qeybdiid, sharciga ayaana la horkeeni doonaan sida ugu dhaqsiyaha badan” ayuu yiri wasiirka.

Dhinaca kale Ciidamo ka tirsan xoogga dalka, gaar ahaan kuwa ay tababartay dowladda Imaaraadka ayaa maanta oo Sabti ah weerar ku qaaday hoyga magaalada Muqdisho ka deggan yahay Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. abdi says:

    waa yaab cabdi caydiid ama gebtiid wax la dhaho ma aqn ma aha in somaliya cabdi qebtiid wax ka noqdo waa in xilka laga qaado waayo waa moryaanka ugu weyn moyaanada




ADVERTISMENT

LATEST NEWS

DHAGEYSO:-Sida loogu dhawaaqay xilka qaadistii gudoomiyaha gobolka banaadir
- Jan 21, 2018
Madaxweynaha Somalia Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ...
DHAGEYSO+SAWIRO:-Warbixin Socdaalkii madaxwaynaha ee Balanballe ,Xeraale iyo Caabudwaaq
- Jan 21, 2018
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo Socdaalkii uu ugu magacdarey Socdaalkii Nabadda iyo Dib ...
Akhriso- Madaxweyne C/wali Cali Gaas oo Soo saaray War Farxad Galiyay Shacabka Puntland
- Jan 21, 2018
Madaxweynaha Dowlada Puntland Cabdwali Cali Gaas oo ku sugan  Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Garoowe ...
Ciidamada Dowlada Afgaanistaan Oo Soo bad baadiyay 150 qof Oo lagu Weerar Hotel kuyaala Caasimada Afgaanistaan ee Kaabuul
- Jan 21, 2018
Ciidamada dalka Afhaanistaan ayaa soo Afajaray saaka howlgalkii ay ku qaadeen Weerar kooxo hubaysan ...
Madaxweyna Oo Saaka Dhagax dhigaya Dhismaha Dekeda Hobyo
- Jan 21, 2018
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa saaka waxaa lafilayaa in uu dhagax dhigo dhismaha ...